Bogga Hore

Ku soo-dhawoow Wikipedia

Insaykalobeedhiya xorta ah ee qofwalbana wax ka bedeli karo

Wikipedia Soomaaliga waxaa ku jirta 13,821 maqaal, Hubi gaarista ama habka mobilka

Maqaalka Maanta

Kitaabka Quraanka
Kitaabka Quraanka

Quraan (Af Carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ) waa kitaabka Alle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Maxamed (n.n.k.h), kaas oo ku qoran luuqada carabiga. Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed. Quraanka kariimka ah waa hadalka Ilaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oo malaga Jibriil u soo gudbin jirey Nebi Muxamed (n.n.k.h) wakhti 23 sano ah, oo ku bilaabmaysa Diisembar 22keedii sanadkii 609 C.D (Ciise Dabadii), wakhtigaas oo nebigu ahaa 40 jir ilaa markii taariikdhu ahayd 632 Ciise Dabadii, oo ku beegan sanadkii Nabi Maxamed (n.n.k.h) geeriyooday. Sidaa diinta Islaamku sheegtay kitaabka Quraanku waa midka ugu sareeya kitaabyada ee Ilaahay ka ilaalinayo khaladka iyo musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ah dhamaan aadamaha ku nool dunida.

Kitaabka Quraanka waxaa loo kala saaraa, guud ahaan, labo qeybood oo kala ah Makki (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebiga intii uu magaalada Makkah joogay) iyo Madani (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebi Muxamed wakhtigii uu magaalada Madiina deganaa). Intaasi kuma eeka qeybaha Quraanku ee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo yaqaano suurado, kuwaasi oo loo sii kala saaro aayado. Quraanku wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood kuwaasi ooy ugu horeeyso suurada Al Faatixa (mahnaheedu tahay fur-furitaan ama "bilaabid") oo ka samaysan 7 aayadood ilaa laga gaadho suurada 114 ee Al-Naas (macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban 6 aayadood.

Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa waxaa ku xusan dhamaan taariikhda, nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona, nolosha dunida, nolosha aakhiro, maalinta qiyaame iyo xisaabta, iyo dhamaan macluumaadka nooleha. Sidoo kale, Ilaahay (s.w.t) wuxuu ugu tallo-galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya nolosha dadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ahi wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.

Wadajirka Quraanka iyo Xadiisku waa sharciga saxda ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo yaqaanaa Sharciga Shariicada. Intaasi waxaa dheer, Quraanka oo lagu akhrinayo luuqada carabiga ayaa waxa la akhriyaa wakhtiga la tukanayo salaadaha. Qofka xafida 114ta Suuradood ee Quraanka waxaa loo yaqaanaa Xaafid. Jiijiidida iyo qurxinta codka marka la akhrinayo Quraanka waxaa loo yaqaanaa towjiid. Si kastaba ha ahaatee, bisha Ramadaan dadka muslimiinta ahi waxay dhamaystiraan akhrinta dhamaan Quraanka ayagoo ku tukanaya salaada tarawiixda. (SII AQRI)

Wararka WikiDhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...

Ma Ogtahay...

  • ... in Shimbir (Sawirka) ay tahay xayawaan ama noole awooda inay duulaan ayagoo adeegsanaya baallahooda?
  • ... in qaar ka mid ah shimbiraha duulimaadkoodu uu dheeryahay, halka qaar kalena uu kooban yahay?
  • ... in shimbiraha ay aad u badan yihiin isla markaana ay kala duwan yihiin cabbir ahaan iyo qaab ahaan?
  • ... in qaar ka mid ah shimbiraha ay ku duulaan xawaare sare, halka qaar kalena ay ku duulaan xawaare yar?
  • ... in shimbirtu leedahay gafuur dhuuban iyo indho yar yar?
  • ... in qaar ka mid ah shimbiraha ay waaweyn yihiin, halka qaar kalena ay aad u yar yihiin?

Wararka WikiDhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...

Taariikh

Madaxweyne
Madaxweyne

Maxamed Siyaaad Barre wuxuu ahaa Madaxweynihii 3aad ee Soomaaliya (21 Oktoobar 1969 - 26 Jannayo 1991); kaligii-teliye ciidanka xooga sanadihii 1969kii ilaa 1991dii. Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Garbaharey, bishiii Oktoobar 6 ee 1919kii; wuxuu ku dhintey magaalada Lagos ee dalka Nigeria bishii Janaayo 2 ee sanadkii 1995dii asagoo ah 75 sano jir. Wakhti ay xamaasad siyaasadeed ka taagneyd wadanka Soomaaliya ayaa 1969kii koox ciidanka xooga ah oo uu hogaaminayo Jaale Barre af-gembi lama filaan ah ku qabsadeen awooda wadanka ayaga oo hal habeen ku qabsadey magaalo madaxda Muqdisho, halkaasi ooy kaga dhawaaqeen dowladii Kacaanka Umada Soomaaliya. Jaale Barre wuxu wadanka u hor kacay horumar degdeg ah oo muuqda, ayadoo si iskaa-wax-u-qabso ah loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, cusbitaalada IWM. Sidoo kale waxaa dowladu la wareegtay maamulka iyo faro ku heynta bangiyada, beeraha waaweyn, shirkadaha muhiimka ah, wershadaha iyo dhamaan wixii muhiim ahaa sida ganacsiga iyo baayac-mushtarka. Dowladu waxay si qeexan u mamnuucdey qabyaalada, qoloqoleeysiga iyo iskala-sooca bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ah taasi oo si shaaric ah loo aasay qabyaalada, isla markaana lagu dhawaaqey in shacabka wadanku siman yihiin meel kasta ooy ka soo jeedaan ama qolo kasta ooy ku abtirsadaan. Waxyaabaha ugu waawayn ee Kacaankii Umada Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen waxay ahayd hirgelinta qoritaanka Far Soomaaliga, taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha luuqada Af-Soomaaliga. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka luuqada Soomaaliga ayaa dowladu waxay samaysay Ololihii Af-Soomaaliga ee bilaabmey sanadkii 1974tii, wakhtigaasi oo dugsiyada la xidhey si 25,000 oo arday iyo 3,000 askarta ciidanka xooga ah u tegaan miyi iyo magaalo si ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga. Dhowrkii sano ee xigay waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaas baritaanka farta Soomaaliga iyada oo sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii.

Sanadihii badnaa ee Jaale Maxamed Siyaad Barre hayay talada wadanka Soomaaliya wuxuu gaadhsiiyey umada iyo wadanka Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ee Soomaali waligeed gaadho. Waxaa horumar muuqda lagu sameeyay wax soo saarka wadanka ayadoo la dhisey wershado faro badan. Xaga ciidanka xooga iyo kuwa qalabka sida aad ayaa loo dhisay, waxayna Soomaaliya ka mid noqotey shanta wadan ee ugu awooda badan qaarada Afrika. Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka ayaa si xoowli ah u koray. Dadka Soomaalida oo 90% reer baadiye ahaa ayaa noqdey ilaa 40% reer magaal aqoon leh.

Si kastaba ha ahaatee, 21 sano oo xukun milatari ka dib ayaa xoogii Kacaanka Umada Soomaaliya lagu khasbey ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanaka midaasi ooy ka dambeeyeen ururo mucaarid iyo dagaalyahano qabiilo u dagaalamaya. Bishii Janaayo 26keedii ee 1991kii ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre ka degay maamulka iyo talada dowladii kacaanka ee ka talineeysay wadanka Soomaaliya, asaga oo wadanka ka baxay. Madaxweyne Siyaad Barre asagoo 75 sanno jir ah wuxuu ku geeriyooday magaalada Lagos ee wadanka Nayjeeriya bishii Oktoobar 26keedii sanadkii 1995kii. Marxuumka waxaa lagu aasay gobolka uu u dhashay ee Geddo. (SII AQRI)

Wararka WikiDhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...

Maalintan

Dadka Soomaaliyeed
Dadka Soomaaliyeed

Dadka Soomaaliyeed (Af-Carabi: الصوماليون) waa dad ku nool Geeska Afrika Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxayna ku hadlaan Af-Soomaali Waana mid kamid ah Luqadaha Kushitiga Faraceeda Afro Aasiya.

Soomaalida Waxaa kala qaybiyey Gumeysigii qarnigii 19aad, kaas oo ukala qaybsaday 5 qaybood oo Kala ah:

Loona yaqaan Soomaaliweyn

Waxay wada leeyihiin dhaqan iyo luqad Ay wadaagaan. Somalida waxay ku kala nool yihiin, qurbaha iyo dhulka Soomaaliya gaar ahaan Soomaaliweyn . Soomaalida badankooda waa dad reer guuraah ah, waxaana lagu yaqaanaa, xoolo dhaqasho, sida ariga iyo geela iyo Lo'da. Soomaalida waxay ahaayeen dad ku dagaalama daaqqa xoolaha iyo Biyah. Dadka soomaaliyeed waxaa dibadda uhaajiray ku dhowaadb ilaa iyo 5 Malyan. maadaamaa dalku ku jiray in kabadan 20 sano oo dagaal ah, Dhanka diinta soomaaliya waxaa aad awood ugu leh suufinimada suufiyada soomaali xoogaa waa ka duwan yihiin suufiyada dalalka qaarkood inkastoo ay aqoonta diintuu ay sii yaraanayso. (SII AQRI)

Wararka WikiDhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...

Sawirka Maanta

Osmose .

Osmose .

Maanta Oo Kale


Xusuusta dhacdooyinka maanta

Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :

Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan


Qeybaha maqaalada Wikipediaha
Cilmiga aanan sayniska ahayn

Cilminafsi · Taariikh · Luqadaha · Cilmiga bulshada

Siyaasad iyo bulsho

Ganacsi · Waxbarasho · Joornaalo · Gaadiidka · Beeraha · Dagaalada · Caafimaadka · Dowladaha

Diin

Diimaha · Mutolojiyada

Hiddo iyo dhaqan

Gabayada · Filimaanta · Muusig

Saynis

Bayoloji · Fiisigis · Kimisteri · Juquraafi · Xisaab · Cilmidayax · Xiddigis

Teknooloji

Elektaroonig · Internet · Kumbuyuutarada

Ciyaaraha iyo madadaalada

Teleefishinka · Ciyaaraha

Kuwa kale

Kalandar · Shaqsiyadaad · Waqti

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Luuqadaha kale Wikibidhiya

Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.

Luuqadda