Bilaha

(Waxaa laga soo toosiyay Bil)
Kani waa maqaal ku saabsan Bilaha Sanadaha. Qoraal ku saabsan bisha fadlan fiiri dayax. Isticmaalo kale oo ku saabsan bilaha fiiri Bil.

Bil (astaan: ☾), weedh Bilo ama Billo Wadar bilood (Ingiriis: month; Carabi: شهر) waa tiro wakhti ah lagu qiyaaso wareega dayaxa, sidoo kale loo isticmaalo xisaabinta wakhtiga sanadka. Sida ku xusan helitaanka culimada sayniska iyo cilmi falaga wareega saxda ah ee hal bil waa 29.53 maalmood oo u dhiganta hal wareeg oo dayaxu ku sameeyay meeraha dhulka.

Bilaha afka Soomaaliga

wax ka badal

Sanadka miilaadiyada wuxuu ka koobanyahay 12 bilood. Magacyada bilahaas afka soomaaliga waxaa loo qoraa sida hoos ku qoran.

Magacyada Bilaha

wax ka badal
Bilaha sanadka miilaadiyada
 Janaayo Febraayo Maarso 
 Abriil Maajo Juun 
 Luuliyo Agoosto Sebteembar 
 Oktoobar Nofeembar Diseembar 

Jadwalka Bilaha

wax ka badal
Sida U Kala HoreeyaanMagacaMaalmaha
1Janaayo31 maalmood
2Febraayo28 maalmood, 29 casho (afartii sano)
3Maarso31 maalmood
4Abriil30 maalmood
5Maajo31 maalmood
6Juun30 maalmood
7Luuliyo31 maalmood
8Agoosto31 maalmood
9Sebteembar30 maalmood
10Oktoobar31 maalmood
11Nofeembar30 maalmood
12Diseembar31 maalmood