Dul al-Qacdah
Dul-Qacdah, Dul-Qacda, Thu-l-Qicda, amaDhu al-Qi'dah (Af Carabi: ذو القعدة, loo qoro Ḏū l-Qaʿdah, IPA: [ðʊlˈqɑʕda]) waa bisha kow iyo tobanaad ee Kalandarka Hijriga.[1][2][3] Sida caadiga ah, bisha Dul Qacda waxay ka tirsan tahay "Bilaha Barakaysan".
Bishani waxay ku dhamaataa 30 maalmood. Dhinaca kale, dadka Shiicada ah waxay bishan u yaqaanaan Zilqad al-Haraam.[4]
Hordhac
wax ka badalWakhtiga
wax ka badalSida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.
Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[6]):
- 1426 Hijri – Biloow: December 2, 2005; dhamaad: December 31, 2005
- 1427 Hijri – Biloow: November 22, 2006; dhamaad: December 21, 2006
- 1428 Hijri – Biloow: November 11, 2007; dhamaad: December 10, 2007
- 1429 Hijri – Biloow: October 31, 2008; dhamaad: November 29, 2008
- 1436 Hijri - Biloow: August 16, 2015; dhamaad: September 15, 2015
Kalandarka Hijriga
wax ka badalKalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).
Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.
Bilaha Hijriga
wax ka badalSidoo Kale Fiiri
wax ka badalTixraac
wax ka badal- ↑ Kuwa kale waa Dhu al-Qi'dah, Dhu al-Hijjah iyo Rajab, The Islamic Calendar Archived Jannaayo 7, 2017 // Wayback Machine
- ↑ G.E. von Grunebaum, Muhammadan Festivals (London: Curzon Press, 1976), pp. 53-54.
- ↑ "Bid'ah of Sha'baan - islamqa.info". islamqa.info.
- ↑ https://web.archive.org/web/20140911022919/http://akhbar.mumineen.org/tag/zilqad-al-haraam/page/14/. Archived from the original on 2014-09-11. Retrieved 2016-06-19.
{{cite web}}: Missing or empty|title=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ Islam online. Archived Febraayo 22, 2011 // Wayback Machine
- ↑ "Umm Al-Qura calendar of Saudi Arabia". Archived from the original on 2020-06-21. Retrieved 2016-06-19.
- ↑ "Center for Muslim-Jewish Engagement". Archived from the original on 2014-08-28. Retrieved 2016-06-19.
{{cite web}}: Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help)