Arjac
Arjac waa tuulo qadiimi ah oo ku taalla bariga magaalada Qallaafo, aagga Qalaafo, gobolka DDS ee dalka Itoobiya. Tuuladu waxay caan ku tahay beeraha iyo dhulkeeda barwaaqada ah ee uu maro webiga Shabeelle, waxaana dega Cabdulle.
Arjac | |
|---|---|
| Naanaysta: Adduunyo nuskeed | |
| Isku-duwayaasha: 5°35′20″N 44°12′20″E / 5.58889°N 44.20556°E | |
| Dalka | Itoobiya |
| Gobolka | DDS |
| Magaalada | Qallaafo |
| Dawladda | |
| • Nooca | Tuulada |
| Dadka | |
• Wadarta | (3,000) |
| Aagga waqtiga | UTC+3 (EAT) |
Taariikh
wax ka badalArjac waxay leedahay taariikh dheer oo diimeed iyo cilmiyeed. Qarniyo kahor, tuuladaan waxay ahayd goob loosoo doonto cilmiga. Sidoo kale tuulada waa goob barwaaqo ah, oo waxaa lagu naaneesaa Arjac Adduunyo Nuskeed.
Juqraafi
wax ka badalDadka
wax ka badalArjac waxaa dega beesha Reer Geedoow, gaar ahaan Reer Muuse, kasii gaar ahaan Cabdulle. Bulshada tuulada waxaa lagu yaqaannaa geesinimo, wada-noolaansho iyo ixtiraam.
Dhaqaalaha
wax ka badalDhaqaalaha tuulada waxaa ugu weyn beeraha. Dalagyada sida masagada, galleyda iyo sisinta ayaa si weyn looga beeraa. Xoolaha sida Lo’da, Ariga iyo Idaha ayaa sidoo kale muhiim u ah nolosha dadka tuulada.
Diinta iyo Dhaqanka
wax ka badalSidoo kale eeg
wax ka badal- Maroodiley /Dabeyl-Yaaboow
- Dhuun-Gal /Buur-Gaabo
Waa tuulooyinka ay degaan Reer Muuse, oo ah beel-hoosaad ka tirsan beesha Reer Geedoow. Waxa ay ku yaallaan ismaamulka magaalada Qallaafe, gobolka Qallaafe, ee DDS.